4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 12, 2018
Madaxweyne Xaaf oo gaaray magaalada Gaalkacyo


Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa wehlinaya wafdi ka kooban labada Gole ee Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada ee Galmudug waxana ujeedada ay u gaareen magaalada Gaalkacyo lagu sheegay inay ka mid tahay sidii ay uga  qeyb qaadan lahaayeen soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo marka uu soo gaaro Galmudug inuu booqan doono dhammaa degmoyinka ay maamusho Maamul goboleedka Galmudug si uu indhiisa ugu arko baahiyaha daran ee ka jira Galmudug.

Guud ahaan ammaanka guud ee degmooyinka Maamulka Galmudug ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo Madaxweynaha Soomaaliya booqashada Galmudug uu ka bilaabi doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa weli ku sugan deegaano ka mid Maamul goboleedka Puntland waxaana la filayaa in dhowaan uu booqdo qaar ka  mid ah degmooyinka hoos yimaada Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]