4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2018
DHAGAYSO: Proff, Dalxa oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay HOL ,kana hadlay arimo xasaasi ah



Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) - Prof Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah mudanayaasha ugu waqtiga dheer barlamaanka Somalia , islamaraana horey u soo noqday gudoomiye ku xigeenkii labaad ee barlamaanka dalka dowlad-dii madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa kula kulan-nay hoyga uu ka dagan-yahay magaalada Muqdisho ee caasimad-da Somalia.

Mudanahan ayaan ka waraysan-nay waaya -aragnimadiisa dhinaca dowlad-nimada , arimaha siyaasad-da ,khilaafka u dhaxeeya dowladda hadda jirto iyo mucaaradka iyo sidoo kale in madaxda baasaboorada ajaanibta ah haysta ay dalka daacad u noqon karaan iyo in kale.

Sidoo kale mudane Dalxa ayaa ka jaawaabay su'aallo la xiriira sababta barlamaanka Somalia uu uga gaabiyay meel-marinta Hindase sharciyeedyo muhiim ah sida dhamaystirka qabyo qoraalka dastuurka , iyo in xildhibaanada qaar aysan booqan deegaanada ay ka soo galaan Barlamaanka .

Su'aalaha kale ee aan weydiin-nay gudomiyaha ayaa ku qotomay farqiga u dhaxeeya dowladda hadda talada haysa ee madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo dowlad-dii uu hogaaminayay madaxweyne Xasan Shiekh Maxamuud.

Prof Dalxa aya sidoo kale ka jawaabay su'aallo la xiriira khibrad yarida guddiyada joogtada ah ee barlamaanka Somalia iyo sida looga gaabiyay in dad aqoon u leh arimaha barlamaanka ay hogaamiyaan guddiyada joogtada ee barlamaanka.

Ex Gudoomiye Dalxa ayaa sidoo kale nooga jawaabay su'aallo la xiriira cid-da sida rasmiga ah u leh magaalada Muqdisho iyo aragtidiisa ku aadan in qabiil gooni ah u sheegto lahaanshaha magaalada Muqdisho .

Waraysigan waxaa si wada-jir ah u qaaday Faysal Maxamed Xasan iyo Maxamed Aadan.

 Halkan ka dhagayso waraysiga Proff. Maxamed Cumar Dalxa oo Dhamaystiran 


Faysal M. Hassan
[email protected]