UNICEF oo ku baaqday in la caawiyo carruurta ay hoy la’aanta ku heyso duleedka Muqdisho
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan
arrimaha Qaxootiga ee UNICEF ayaa Khamiistii sheegtay in 21 degaan oo ku
yaallay duleedka Muqdisho, oo hoy u aheyd dad ka badan 4,000 oo qoys la
burburiyay, hadana dadkaasi ay yihiin kuwo xaalad adag ku jira.
UNICEF ayaa sheegtay dadka dhibaatada ay qabsatay in ay u badan yihiin
haween iyo carruur kuwaas oo yimid bilo yar ka hor, kadib markii ay safar dheer
u soo socdeen si ay uga baxsadaan abaarta iyo colaadaha., waxayna sheegtay
dadkaasi in guryahooda laga saaray iyada oo aysan jirin ogeysiis hore.
Waxa ay sheegtay in qaar ka mid ah dadka iyaga oo guryahooda jiifa mar qura
ay ka war heleen Ciidamo hubeysan iyo Cagaf-cagaf guryahooda dumineysa, taasina
ay sababtay in cauur badan ay noqdaan Hoy la’aan, Waxbarasho la’aan, iyo xitaa
in agabkoodii waxbarasho halkaasi ay ku waayaan.
UNICEF ayaa sheegtay in howl-galayaasheeda qeybta caafimaadka ay la kulmeen
35 qof oo isugu jira cauur, Waayeelo, iyo dad naafo ah, kadibna ay u sameeyeen
gargaar caafimaad, si wax looga qabto xaaladahooda caafimaad daro.
Kiisaskan khasabka ah ayay sheegtay in ay saameyn ku yeesheen in ka badan
3,000 oo carruur ah, Afar dugsi oo la burburiyey, xarun carruurta ay ku
cayaaraan oo u dhameystiran qalabka ay caruurta ku cayaaraan.
“Qoysaska la xayiray ayaa u soo guuray dugsiyada iyo dhismayaasha dadweynaha
xeryaha kale ee barskacayaasha oo ay la socdaan qaar ka mid ah carruurta ku
nool bannaanka ama waddooyinka, iyada oo aan lahayn hoy carruurta iyo
qoysaskoodu waxay u baahan yihiin taageero deg deg ah oo ay ka mid yihiin
adeegyada caafimaadka iyo nafaqada, biyaha nabdoon, fayadhowrka, waxbarashada
iyo kaalmooyin kale” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay UNICEF.
Ugu dambeyntii UNICEF ayaa ka codsatay mas’uuliyiinta in ay hubiyaan in dhammaan
carruurta ay dhibaatadu saameysey si buuxda u badqabaan, lana dejiyo meelo
ammaan ah, si dhibaatooyin kale aysan ula soo dersin.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]