1/18/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 12, 2018
UNICEF oo ku baaqday in la caawiyo carruurta ay hoy la’aanta ku heyso duleedka Muqdisho


 

Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNICEF ayaa Khamiistii sheegtay in 21 degaan oo ku yaallay duleedka Muqdisho, oo hoy u aheyd dad ka badan 4,000 oo qoys la burburiyay, hadana dadkaasi ay yihiin kuwo xaalad adag ku jira.

UNICEF ayaa sheegtay dadka dhibaatada ay qabsatay in ay u badan yihiin haween iyo carruur kuwaas oo yimid bilo yar ka hor, kadib markii ay safar dheer u soo socdeen si ay uga baxsadaan abaarta iyo colaadaha., waxayna sheegtay dadkaasi in guryahooda laga saaray iyada oo aysan jirin ogeysiis hore.

Waxa ay sheegtay in qaar ka mid ah dadka iyaga oo guryahooda jiifa mar qura ay ka war heleen Ciidamo hubeysan iyo Cagaf-cagaf guryahooda dumineysa, taasina ay sababtay in cauur badan ay noqdaan Hoy la’aan, Waxbarasho la’aan, iyo xitaa in agabkoodii waxbarasho halkaasi ay ku waayaan.

UNICEF ayaa sheegtay in howl-galayaasheeda qeybta caafimaadka ay la kulmeen 35 qof oo isugu jira cauur, Waayeelo, iyo dad naafo ah, kadibna ay u sameeyeen gargaar caafimaad, si wax looga qabto xaaladahooda caafimaad daro.

Kiisaskan khasabka ah ayay sheegtay in ay saameyn ku yeesheen in ka badan 3,000 oo carruur ah, Afar dugsi oo la burburiyey,  xarun carruurta ay ku cayaaraan oo u dhameystiran qalabka ay caruurta ku cayaaraan.

“Qoysaska la xayiray ayaa u soo guuray dugsiyada iyo dhismayaasha dadweynaha xeryaha kale ee barskacayaasha oo ay la socdaan qaar ka mid ah carruurta ku nool bannaanka ama waddooyinka, iyada oo aan lahayn hoy carruurta iyo qoysaskoodu waxay u baahan yihiin taageero deg deg ah oo ay ka mid yihiin adeegyada caafimaadka iyo nafaqada, biyaha nabdoon, fayadhowrka, waxbarashada iyo kaalmooyin kale” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay UNICEF.

Ugu dambeyntii UNICEF ayaa ka codsatay mas’uuliyiinta in ay hubiyaan in dhammaan carruurta ay dhibaatadu saameysey si buuxda u badqabaan, lana dejiyo meelo ammaan ah, si dhibaatooyin kale aysan ula soo dersin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]





Post your comments

1/12/2018 11:10 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca halkaa ku xireen guddoomiyihii guddiga doorashada madaxa-bannaan Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey)

1/12/2018 10:04 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

1/12/2018 9:25 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) - Prof Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah mudanayaasha ugu waqtiga dheer barlamaanka Somalia , islamaraana horey u soo noqday gudoomiye ku xigeenkii labaad ee barlamaanka dalka dowlad-dii madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa kula kulan-nay hoyga uu ka dagan-yahay magaalada Muqdisho ee caasimad-da Somalia.

1/12/2018 7:52 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Mohammed Guleed (Khadar) iyo wefti uu hogaaminaayo oo maalin ka hor gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa maanta heshiis la saxiixday Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga.

1/12/2018 4:48 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo aya sheegaya in halkaa uu dagaal ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Kenya.

1/12/2018 4:35 AM EST
Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) - Dowladda Qatar ayaa cabasho ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyadoo ku eedeysay inay ku soo xadgudubtay hawadeeda.

1/12/2018 1:07 AM EST
Jimco, Janaayo 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalintii shalay dib ugu laabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdigiisa ku soo fool leeyihiin sida uu hadalka u dhigay deegaannada Galmudug.

1/12/2018 12:59 AM EST
Jimco, Janaayo 12, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay Guri ku yaalla degmadaasi uu ka dhex dhacay Qarax siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha degmada.

1/12/2018 12:50 AM EST
Jimco, Janaayo 12, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa-bannaan ee heer Qaran Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in todobaadka danbe War ka soo saarayaan go’aanka Maxkamada Sare ay ku joojisay dib u soo doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha shacabka.