4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 12, 2018
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo ku dagaalamay gobolka Gedo

 https://hiiraan.com/images/2018/Jan/

Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo aya sheegaya in halkaa uu dagaal ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Kenya.

Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya gaar ahaan kuwa la dagaalanka Argagixisada ayaa aroornimadii saakay la sheegay in ay ka soo talaabeen Xadka dhinaca Ceel-waaq waxeyna gudaha u soo galeen magaalada.

Ciidamada Kenya oo watay Saddex gawaarida dagaalka ah, wajiyadana ay u xirnaayeen ayaa waxa ay gudaha u soo galeen magaalada, iyaga oo waliba gawaaridooda ay ka babanayeen calan Madow, taasina ay skaki ku abuurtay ciidamda dowladda, sida uu in oo sheegay sarkaal ka tirsan ciidmada dowladda.

Ciidamada dowladda ayaa durba muujiay shaki ku aadan in ciidamadan yihiin Al-Shabaab, waxeyna u yeerteen ciidamo kale oo gurmad ah, iyaga oo isugu yimid banaanka magaalada, si ay isaga caabiyeen ciidamada.

Ciidamad Kenya oo iyaga laftirkooda qabay cabsi ku aadan iney dhexda u galeen Shabaab ayaa markii ay arkeen ciidamada dowladda oo wadada u fadhiya rasaas ooda kaga rogay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday.

Xuseen Deyr Cadaawe oo ka tirsan saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo la hadlay dagaalka ayaa sheegay in uu ku dhintay Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case) oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Gedo, wuxuu kaloo inoo sheegay in saraakiil Kenya ka tirsan ay la xiriireen, balse ay iska fogooyeen in wax lug ah ay ku lahaayeen falkan.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa sheegay in magaalada uu ka socdo barakac ku aadan cabsida dagaalkan dhacay, wuxuuna tilmaamay in Maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka ay u gudbiyeen arrintan ku gardarooshada ah ee ciidamada Kenya ay ku kaceen.

Ma jiro ilaa iyo hadda war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya oo la xiriira dagaalka la sheegay in uu ka dhacay degmada Ceel-Waaq.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]