4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 12, 2018
Qarax ka dhax dhacay gudaha Guri ku yaalla magaalada Muqdisho

 

Jimco, Janaayo 12, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay Guri ku yaalla degmadaasi uu ka dhex dhacay Qarax siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha degmada.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya oo wata gaadiidka dagaalka ayaa soo gaaray guriga uu ka dhax dhacay qaraxa, waxaana ay halkaasi kala baxeen nin ku sugnaa guriga, oo looga shakisan yahay in qorshahan uu watay.

Sidoo kale hay’adaha ammaanka ayaa la wareegay guriga qaraxa uu ka dhacay, ilaa laga soo saarayo baaritaanada ugu dambeeya, ee la xiriira qaraxan iyo cida ka dambeysay.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxan, oo dadka degaanka xalay ku abuuray cabsi iyo dareen feejignaan ah.

25-kii October 2017 inta u dhaxeysa xaafada Buurta Diikow iyo Masjidka Irshaad ee degmada Kaaraan xilli habeen ah waxaa ka dhacay Qarax guri lagu diyaarinayay, hal qof ayaa ku dhintay qof kalena wuu ku dhaawacmay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]