4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 11, 2018
Mareykanka oo wada hadal la yeelanaya Kuuriyada Waqooyi

 

Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu wadahaddalo la billaabi doono Dowlada Kuuriyada Waqooyi marka la gaaro xilliga ay ku habboon tahay.

Wadahadal ku dhexmaray Khadka Telefoonka Arbacadii, isaga iyo dhighiisa Kuuriyada Koofureed Moon Jae-in, ayuu Trump ku sheegay inuu Mareykanka uu u furfuranyahay wadahadal uu la yeesho Kuuriyada Waqooyi.

Bayaan laga soo saaray Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hogaamiye ay isla garteen muhiimmada sii waditaanka cadaadiska ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Talaadadi hore ay diblamaasiyiin ka kala socda labada Kuuriyada yeesheen wadahadalladi ugu horeeyay muddo sannado ah.

VOA