1/16/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2018
Madaxweyne Muuse Biixi oo la kulmay Ergayga Xoghayaha Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya


 


Arbaco,January 10,2018 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramadda midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Michael Keating iyo wefti uu hogaaminayo.

Shirkaasi markii uu dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda Dr:Sacad Cali Shire iyo Amb. Michael Keating oo ah ergayga UN-ta u qaabilsan Soomaaliya.

“waxa waxa halkan inoogu yimid Michael Keating oo ah ergayga gaar ah ee xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu la kulmay madaxweynaha, waxaanay ka wada hadleen waxyaalo faro badan oo la xidhiidha shaqada iyo iskaashiga ka dhexeeya, waxaana ka mid ah siyaasada, dimuqraadiyadda, nabadda, dhaqaalaha, cumaawimadda.”ayuu yidhi Shire

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi hadlay ergayga gaar ah ee xoghayaha qaramadda midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, waxaanu sheegay inay madaxweynaha ka wada hadleen arrimo dhinaca siyaasada, dhaqaalaha, shaqo abuurka dhalinyaradda iyo arrimo kale.

“madaxweynaha iyo xukuumadda waxaan ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin nabadgalyadda, dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyaraddda, waana ku hambalyeeyey shacabka Somaliland doorashaddii ay sanadkii hore galeen ee ay madaxweynaha cusub ku doorteen”ayuu yidhi ergayga xoghayaha guud ee UN-ta Keating.

Waxa kale oo wax laga waydiiyey xiisadda ka taagan goboladda Bariga ee u dhexeysa Somaliland iyo maamulka Puntland, waxaanu sheegay in aanu dagaal xal ahayn ee loo baahan yahay in laga wada hadlo waxyaalaha dhibaatadda keenaysa.

“ waa in labadda dhinac wada hadal ka galaan xiisadda taagan, xal maaha in dagaal iyo militari la adeegsadaa waana in si degdeg ah uga wada hadlaan In aanay dhibaato dhicin”ayuu yidhi Keating oo ka hadlayey xiisaaddii maalmihii dhowaa ka dhacay Tuka raq ee Somaliland iyo Puntland iskaga hor yimaadeen.

Waxa kale oo wax laga waydiiyey khilaafka ka taagan maamulka hawadda sare, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in labadda dhinac ee hawadda isku hayaa la yimaaddaan hab ay labaduba ku guulaysan karaan oo midna aanu ku khasaarin, taasina ay imanayso in laga wada hadlo waxyaalaha la isku hayo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.





Post your comments

1/10/2018 3:04 PM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) – Kumannaan shacab ah oo isaga kala yimid qeybaha kala duwan ee gobolka Karkaar ayaa magaalada Qardho soo dhaweyn ballaaran ugu sameeyay maanta wafdiga uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku maraya Puntland.

1/10/2018 7:55 AM EST
Arbaco, Janaayo,10,2017 (HOL)-Safiirkii Soomaaliya ee Iskutaga Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikheey ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Abu Dubai waxaa uu xilkii safaarada si ku-meel-gaar ah ugu soo wareejiyay Axmed Ducaale Maxamed.

1/10/2018 6:08 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) – Iyadoo dhawaan Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha lagu sheegay in la soo afjaray Khilaafkii u dhaxeeyay Rugta Ganasiga ayaa waxaa arintaa ka hadlay Guddoonka sare ee Rugta Ganacsiga oo ka hor yimid qoraalkii horey uga soo baxay wasaaradda.

1/10/2018 4:11 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10. 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw dhax dhigay waddo Laami ah oo isku xirta deegaannada Dan-Goronyo iyo Eyl sida uu ku soo waramayo Wariyaheena Ibraahim Baafo oo ka mid ah wariyayaal la socda wafdiga madaxweynaha.

1/10/2018 3:37 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10. 2018 (HOL) -Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.

1/10/2018 1:43 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) - Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Garowe ee xaruunta dowlad goboleedka Puntland ayaa la kulmay will da’yar oo aftahan ah si weyna u taageeray markii la doortay madaxweyne Farmaajo bishii Feb 8 ee sannadkii la soo dhaafay.

1/10/2018 1:10 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL)– Daadad iyo dhul go'ay ayaa saameeyay deegaannadii uu burburiyay dabkii kaymaha ka soo kacay bishii hore, waxayna gooyeen in kabdan 30km oo ka mid ah jidka wayn ee halbawlaha u ah xeebta gobolka California ee dalka Maraykanka.

1/10/2018 12:52 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga la socda oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa goor dhaw u dhaqaaqay dhinaca magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

1/10/2018 12:39 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa gaaray caasimada dalka Masar ee Qaahira isagoo halkaas kula kulmi doona dhigiiisa dalka Masar Abdel-Fattah al-Sisi.

1/10/2018 12:32 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) – Shirka Wasiiradda Qorsheynta ee Wadamada Carabta ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in uu ka furmo dalka Kuwait.

1/10/2018 12:14 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xiisada u dhaxeysa Maamulka Puntland iyo Somaliland, taasi oo dhowaan soo xoogeysatay, kadib markii Ciidamo ka kala tirsan labada maamul ay ku dagaalamaneen degaanka Tukaraq.