3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2018
Safiirkii Soomaaliya ee Iskutaga Imaaraadka Carabta oo xilka wareejiyay

 


Arbaco, Janaayo, 10, 2017 (HOL) - Safiirkii Soomaaliya ee Iskutaga Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikheey ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Abu Dubai waxaa uu xilkii safaarada si ku-meel-gaar ah ugu wareejiyay Axmed Ducaale Maxamed.

Ka qeybgalayaashii munaasabada sagootinta safiirka ayaa ka mahadceliyay wax qabadkii safiirka muddadii uu joogay safaarada, iyaga oo sheegay in uu noqonayo safiirkii ugu horeeyay ee ka taga dhisme ay leedahay safaarad Soomaaliyeed dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

Safiir Shiikheey ayaa lagu tilmaamay in uu noqonayo safiirkii ugu horeeyay ee soo mara dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta oo xilka wareejiya isaga oo ka tagaya safaarad Soomaaliyeed oo lagu shaqeyn karo.

Safaarada Soomaaliya ee Iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa la aas-aasay sanadkii 1973kii waxaana isaga danbeeyay oo soo maray ilaa 8 safiir, hasse ahaatee safiirka xilka ka tagay ayaa lagu amaanay in uu noqonayo shaqsigii ugu horeeyay ee ku guuleysta dhismaha safaarad Soomaaliyeed.

 Sii hayaha safaarada Soomaaliya ee xilka la wareegay Axmed Ducaale Maxamed ayaa ku amaanay safiir Shiikheey uu taariikhda iyo dhaxalka uu uga tagay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Iskutaga Imaaraadka, isaga oo balanqaaday in uu halkiisa ka sii wadi doono howlihii uu qabtay C/qaadir Shiikheey.

Isbadalka cusub ee safaarada Soomaaliya ee Abu Dubai ayaa qeyb ka noqoneysa isbadal horey sidan oo kale looga sameeyay safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Qatar, Kuwait iyo Kenya

Dalka Isutaga Imaaraadka ayaa waxaa ku dhaqan Jaaliyada ballaaran oo Soomaaliyeed oo intooda badan halkaa ku heysta ganacsiyo kala duwan taasoo muhiim ka dhigeysa in jirto safaarad Soomaaliyeed. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
1/10/2018 3:04 PM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) – Kumannaan shacab ah oo isaga kala yimid qeybaha kala duwan ee gobolka Karkaar ayaa magaalada Qardho soo dhaweyn ballaaran ugu sameeyay maanta wafdiga uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku maraya Puntland.

1/10/2018 8:22 AM EST
Arbaco,January 10,2018 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramadda midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Michael Keating iyo wefti uu hogaaminayo.

1/10/2018 6:08 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) – Iyadoo dhawaan Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha lagu sheegay in la soo afjaray Khilaafkii u dhaxeeyay Rugta Ganasiga ayaa waxaa arintaa ka hadlay Guddoonka sare ee Rugta Ganacsiga oo ka hor yimid qoraalkii horey uga soo baxay wasaaradda.

1/10/2018 4:11 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10. 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw dhax dhigay waddo Laami ah oo isku xirta deegaannada Dan-Goronyo iyo Eyl sida uu ku soo waramayo Wariyaheena Ibraahim Baafo oo ka mid ah wariyayaal la socda wafdiga madaxweynaha.

1/10/2018 3:37 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10. 2018 (HOL) -Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.

1/10/2018 1:43 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) - Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Garowe ee xaruunta dowlad goboleedka Puntland ayaa la kulmay will da’yar oo aftahan ah si weyna u taageeray markii la doortay madaxweyne Farmaajo bishii Feb 8 ee sannadkii la soo dhaafay.

1/10/2018 1:10 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL)– Daadad iyo dhul go'ay ayaa saameeyay deegaannadii uu burburiyay dabkii kaymaha ka soo kacay bishii hore, waxayna gooyeen in kabdan 30km oo ka mid ah jidka wayn ee halbawlaha u ah xeebta gobolka California ee dalka Maraykanka.

1/10/2018 12:52 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga la socda oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa goor dhaw u dhaqaaqay dhinaca magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

1/10/2018 12:39 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa gaaray caasimada dalka Masar ee Qaahira isagoo halkaas kula kulmi doona dhigiiisa dalka Masar Abdel-Fattah al-Sisi.

1/10/2018 12:32 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) – Shirka Wasiiradda Qorsheynta ee Wadamada Carabta ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in uu ka furmo dalka Kuwait.

1/10/2018 12:14 AM EST
Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xiisada u dhaxeysa Maamulka Puntland iyo Somaliland, taasi oo dhowaan soo xoogeysatay, kadib markii Ciidamo ka kala tirsan labada maamul ay ku dagaalamaneen degaanka Tukaraq.