4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay waddo isku xirta Dan-Goronyo iyo Eyl

 

Arbaco, Janaayo, 10. 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw dhax dhigay waddo Laami ah oo isku xirta deegaannada Dan-Goronyo iyo Eyl sida uu ku soo waramayo Wariyaheena Ibraahim Baafo oo ka mid ah wariyayaal la socda wafdiga madaxweynaha.

Ibraahim Baafo ayaa sheegay in wafdiga madaxweynaha oo ku sii jeeda magaalada Qardho ee gobolka Karkaar isaga iyo wafdigiisa ku hakadeen deegaanka Dan-Goronyo halkaa oo isaga madaxweyne Gaas dhax –dhigeen waddo Laami ah oo ay dhiseyso shirkad Shiineys ah.

 

Madaxweynaha ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro magaalada Qardho, halkaa oo uga sii gudbi doono dhinaca gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]