Arbaco, Janaayo, 10. 2018 (HOL) -Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka
walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku
baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo
shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.
Qorshaha Dawladda Federaalka ayaa ah in si deg-deg ah ay u joojiso
dagaallada iyo colaadaha, waxeyna baaq u diraysaa Somaliland iyo Puntland,
mas’uuliyiinta deegaankaas, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo qeybaha kala
duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo
colaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta
dadka walaalaha ah.
Guud ahaan dalka intiisa badani waxuu ka soo kabanayaa colaadihii iyo
amni-daradii ragaadisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan degaanadan ay hadda
mashaqadu ka dhacday waxey muddooyinkii dambe ahaayeen deegaanno nabad oo
xasillooni ka jirto.
Dawladda Federaalka ayaa wadda dadaallo lagu xoojinayo dib-u-heshiisiin
waarta oo dhammaan deegaannada la dhex dhigo, waana nasiib darro in xilligan ay
dagaallo aan loo baahneyn dhacaan, tanoo fursad siineysaa dhammaan inta diidan
nabadda iyo horumarka.
Dawladda Federaalka waxey ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha ay khuseyso inaan
wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeeyno oo aan khilaafkeenna ku xallinnaa
si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]