4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo maanta booqanaya magaalada Qardho ee gobolka Karkaar

 

Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga la socda oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa goor dhaw u dhaqaaqay dhinaca magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

Wariye Ibraahim Baafo oo la socda Wafdiga madaxweynaha ayaa sheegay in safar dhulka ah uu madaxweynaha ugu anbabaxay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, halkaasoo la filayo in uu kulamo kula qaatay maamulka, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Madaxweynaha ayaa uga sii gudbi doona sida qorshuhu yahay magaalada Qardho dhinaca gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Safarka madaxweynaha oo la filayo in uu qaato dhowrka cisho ee nagu soo foolka leh ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka noqon doona sida ilo og-ogaal ah inoo sheegeen booqasho madaxweynaha uu ku iman doono magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]