4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2018
Shir Wasiirrada Qorsheynta wadamada Carabta uga furmaya dalka Kuwait

 

Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) – Shirka Wasiiradda Qorsheynta ee Wadamada Carabta ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in uu ka furmo dalka Kuwait.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Somaaliya Jamaal Maxamed Xassan oo shalay gaaray Kuwait ayaa Soomaaliya uga qeybgalaya shirkan, waxaan garoonka diyaaradaha dalkaasi ku soo dhoweeyay Agaasimaha Guud ee Machadka Qorsheynta Dowladdaha Carbeed iyo Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Wasiirka ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta wanaagsan ee loo  sameeyay, isagoo sheegay in inta uu ku sugan yahay dalka kuwait uu kulmo la qaadan doonaa madaxda sare dalkaasi iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi.

Dhinaca kale Wasiirka Jamaal Maxmaed Xasan, ayaa waxa uu  kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Dhaqaalaha ee (Kuwait Fund)  Abdul Wahab Albadir, waxaana Wasiirka uu warbixin uu ka siiyey horumarka Soomaaliya ay sameeyneyso iyo dadaalada hadda socda, siddii ay uga qeyb qaadan lahayd dowladda Kuwait oo Soomaaliya xariir wanaagsan kala dhaxeeyo.

Agaasimaha Sanduuqa Dhaqaalaha Dowladda Kuwait, Mudane Abdul Wahab Albadir, ayaa waxuu boggaadiyay  Horumarka ka socda dalka Soomaaliya, waxuuna sheegay in Kuwait door wanaagsan ay ka qaadan doonta taageerada dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]