4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2018
Cabdiwali Gaas : Weerarka Soomaaliland wuxuu garab iyo gaashaan u yahay Argagixisada

 

Arbaco, Janaayo, 10, 2018 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xiisada u dhaxeysa Maamulka Puntland iyo Somaliland, taasi oo dhawaan soo xoogeysatay, kaddib markii ciidamo ka kala tirsan labada maamul ay ku dagaalamaneen degaanka Tukaraq.

Gaas ayaa sheegay 8-dii bishan ciidamo laga soo abaabulay sida uu hadalka u dhigay magaalada Hargeysa duulaan ku soo qaadeen degaanka Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool, wuxuuna sheegay dagaalka inuu ku soo aaday xilli booqasho uu Puntland ku joogo Madaxweynaha Soomaaliya.

Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in Puntland iyo shacabkeeda ay ku filan yihiin difaaca dhulkooda, wuxuuna shacabka ku sugan gudaha iyo dibadda ee Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay duulaanka Somaliland in uu garab iyo gaashaan u yahay Argagixisada, isaga oo sheegay in Puntland ay culeyska saartay hormarka iyo dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Gaas ayaa dowladda federaalka, Beesha Caalamka iyo Ummadda Soomaaliyeed ogeysiiyay in maamulka Somaliland uu mas’uul ka noqon doono cawaaqib xumada ka dhalata xiisada Tukaraq.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]