4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 9 , 2018
Mukhtaar Rooboow oo abaabul dagaal ka wada deegaannada Koonfur Galbeed

 

Jimco, Feberaayo, 09, 2018 (HOL) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshe dagaal oo la sheegay in Mukhtaar Rooboow uu ka wado qeybo ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed.

Wasiir ku xigeenka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed C/risaaq Cabdi Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulku ka war hayo qorshaha Rooboow, isaga oo intaa ku darray in uu isku diyaarinayo dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Roobow in ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii uu Al-shabaab ula dagaalami lahaa, maadaama uu ka soo jeedo deegaanada Koonfur Galbeed, islamarkaana aqoon u leeyhaay sida uu hadalka u dhigay xeesha dagaal ee Ururka.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayuu sheegay in ay ka sugayaan go’aanka ugu dambeeya ee dagaalka loogu qaadayo Shabaab.

Sheekh Muqtaar Roobow ayaa tiro Saddex jeer ah waxaa uu tagay magaalada Baydhao ee xarunta KMG ah Maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiil Ciidan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]