4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 9 , 2018
Dowladda Soomaaliya oo fariin u dirtay dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab

 

Jimco, Feberaay, 09, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa sheegay in dhalinyarada Al-shabaab ay wali u heystaan fursad ah in ay isa soo dhiibaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markale ku celiyay in dhalinyarada ka bar-bar dhagaalanta Shabaab ay ka mid noqon karaan dowladda, ayna cafis u fidinayaan.

Waxaa uu xusay in ay diyaar u tahay dowladdu soo dhaweynta Al-shabaab xubnaha ka tirsan haddii ay isa soo dhiibayaan, isagoona sheegay inay sii wadi doonaan wada hadalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa u ballan qaaday dagaalyahanada Al-shabaab ka tirsan inay heli doonaan hoy iyo nabad haddii ay isa soo dhiibaan.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa horay ugu baaqday dhalinyarada Al-Shabaab ku jirta waxaana fursada dowladda ka faa’ideystay dhalinyarao badan iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]