4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 9 , 2018
Wariye lagu xiray magaalada Kismaayo

 

Jimco, Feberaay, 09, 2018 (HOL) –Wariyahan oo lagu magacaabo Saabir Cabduqaadir Warsame ayeey qabteen ciidamada Jabbaland isaga oo duubeyay munaasabad lagu maamuusayay markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Wariyaha ayaa waxaa xiray ciidamada Nabad suggidda , waxaana uu xalay ku hoyday xabsi ay leeyihiin.

Aabaha dhalay wariyaha ayaa sheegay in ilaa iyo hadda uusan garaneyn sababta loo xiray wiilkiisa.

Xog-hayaha ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa ka dalbaday Jubbaland in ay sii deyso wariyaha, waxaana uu sheegay in Jubbaland ay Caddaadis saartay Warbaahinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]