3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 9 , 2018
Madaxweyne Waare oo la kulmay qaar ka mid ah xildhibaannada laga soo doorto Hirshabeelle

 

Jimco, Feberaayo, 09, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad Soomaaliyeed ee Hirsahebeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Hirshabelle ku matala dowladda dhexe.

Madaxweynaha iyo xildhibaannada  ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo howlaha horyaalla maamulka Hirshabeelle iyo Sida  ay lagama maarmaanka u tahay in la iska kaashado horumarinta Hir-shabeelle.

Intii kulanka uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xogwareysteen xaaladaha amni iyo midda bulsho  ee degaannada Hirshabelle, iyo in xildhibaannada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabeelle ay u midoobaan horumarinta iyo dhisidda dowlad goboleedka si dhowna ay ula shaqeeyaan maamulka haatan jira.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa Xildhibaannada u faah faahiyay muddada xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, wuxuuna ugu baaqay inay qaataan doorkooda ee ah u shaqeynta bulshada ay matalaan.

Sidoo kale qaar ka mid xildhibaannada ayaa u faah faahiyay Madaxweynaha Socdaal dhowaan ay ku tageen degaanno ka tirsan Hiiraan , iyagoo hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyaga iyo Madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]













Click here
2/9/2018 12:09 PM EST
Jimco, Feberaayo, 09, 2018 (HOL)–Maamulka Koonfur Galbeed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshe dagaal oo la sheegay in Mukhtaar Rooboow uu ka wado qeybo ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed.

2/9/2018 10:59 AM EST
Jimco, Feberaayo, 09, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha degmada Kilifi ee dalka Kenya Magu Mutindika, ayaa sheegay in laamaha ammaanku ay haweeney 44 jir ah oo lagu magacaabo, Saidia Matani ku qabteen magaalada, shaley gelinkii dambe kaddib markii ay diidday in la baaro.

2/9/2018 10:33 AM EST
Jimco, Feberaay, 09, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa sheegay in dhalinyarada Al-shabaab ay wali u heystaan fursad ah in ay isa soo dhiibaan.

2/9/2018 8:10 AM EST
Jimco, Feberaay, 09, 2018 (HOL)–Wariyahan oo lagu magacaabo Saabir Cabduqaadir Warsame ayeey qabteen ciidamada Jabbaland isaga oo duubeyay munaasabad lagu maamuusayay markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

2/9/2018 7:01 AM EST
Jimco, Feberaay, 09, 2018 (HOL)-Aqalka wakiillada Mareykanka ayaa iyaguna raacay waddadii senetka si loogu codeeyo, dib-na loogu furo shaqadii dowladda federaalka, taas oo saqdii dhexe ee Khamiistii ku ekeyd miisaaniyadda dowladda.

2/9/2018 5:47 AM EST
Jimco, Feberaay, 09, 2018 (HOL) –Xarrakada Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay ku soo bandhigeen tiro Odayaal ah oo ay u tababareen dagaalka iyo habka wax loo toogto.

2/9/2018 1:09 AM EST
Jimco, Feberaayo, 09, 2018 (HOL)–Warbaahinta dowladda Kenya ayaa baahisay in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degaanka Katuula oo ka mid ah degaanada dalka Kenya ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari.

2/9/2018 1:03 AM EST
Jimco, Feberaayo, 09, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay ciidamada uu Imaaraadku tababaray ee ku sugan xero ku taala magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in ciidamadaasi yihiin kuwo mishaaraadkoodu bixiyaan Imaaraadka.

2/9/2018 12:49 AM EST
Jimco, Feberaayo, 09, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in si dhaqse ah loo bilaabayo wada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland oo in muddo ahba hakad ku jiray.

2/9/2018 12:40 AM EST
Jimco, Feberaayo, 09, 2018 (HOL) – Kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo noqonaya mid ka mid ah caqabadihii ugu waaweynaa ee soo wajaha dowladda Soomaaliya muddadii sanadka aheyd, ayuu markii ugu horeysay soo hadal qaaday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.