4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 9 , 2018
Xarrakada Al-shabaab oo weeraray saldhig ciidan gobolka Waqooyi Bari Kenya

 

Jimco, Feberaayo, 09, 2018 (HOL) – Warbaahinta dowladda Kenya ayaa baahisay in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degaanka Katuula oo ka mid ah degaanada dalka Kenya ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya oo lagu magacaabo Stephen Ngetich ayaa  warbaahimnta u sheegay inay iska caabiyeen weerar ay sideedii fiidnimo waqtiga dalka Kenya ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay dagaal socday Muddo ku dhow hal saac in uu dhexmaray ciidamada dowladda Kenya iyo sidoo kale Xoogagga weerarka soo qaaday.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay dhowr jiho ka weerareen degaankaasi oo ka mid ah degaanada hoos yimaada degmada Wajeer.

Ilaa iyo hadda lama ogga khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi, waxaana saraakiisha ciidamada Kenya ay sheegayaan in ay waddaan baaritaano.

Al-Shabaab ayaa waxa ay ku dhawaaqdeen dagaal ka dhan ah dowladda Kenya Sanadkii 2011-kii Markii ciidamada dowladda Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya.

Labadii sano ee la soo dhaafay, Al-Shabaab waxay diiradda saareen weerarrada gobollada Kenya ee ku yaalla  xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya  iyo Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]