4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 9 , 2018
Wada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland oo bilaabanaya

 

Jimco, Feberaayo, 09, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in si dhaqse ah loo bilaabayo wada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland oo in muddo ahba hakad ku jiray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wada hadalladu yihiin kuwo muhiimad gaar ah u leh shacabka labada dhinac oo sida uu hadal loo baahan yahay in leysku soo dhaweeyo lagana qanciyo Somaliland waxyaabaha ay tabanayaan.

Qaramada Midoobey ayaa dhawaan ku baaqday in si deg deg ah loo bilaabo wadahadaladii Somaliland iyo Somaaliya.

Labada Wasiirro arrimo dibadeed ee Soomaaliya iyo Somaliland oo dhawaan ku kulmay Addis Ababa ayaa dhinacooda isla soo qaaday in dib loo bilaabo wada hadaladii labada dhinac, laakiin ma jirin waqti rasmi ah oo ay u qabteen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]