Madaxweyne Farmaaajo oo markii ugu horeysay soo hadal qaaday arinta Qalbi-Dhagax
Jimco, Feberaayo, 09, 2018 (HOL) – Kiiska Cabdikariin Sheekh
Muuse Qalbi Dhagax oo noqonaya mid ka mid ah caqabadihii ugu waaweynaa ee soo
wajaha dowladda Soomaaliya muddadii sanadka aheyd, ayuu markii ugu horeysay soo
hadal qaaday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha oo su’aal arintaa la xiriirta la weydiiyay
ayaa si taxadir leh ugu gaabsaday in kiiska arintan ku saabsan uu go’aan
ka gaaray baarlamaanka Soomaaliya.
"Su'aashaasi runtii waa su'aal muhiim ah, waxaan
ognahay in baarlamaanka ay ku sameeyeen dood, ayna kasoo saareen warbixin, ayna
u codeeyeen, maxaa yeelay iyagu waxaa weeye, waa hay'adda ugu saraysa ee sharci
dajinta, markay codeeyeene waxay gaareen go'aan, waxaan aaminsanahay in
go'aankaasi uu yahay kama dambeys".
Xusuusin go'aankii baarlamaanka uu ka qaatay arrinta Qalbi -Dhagax Haddii aan dib idiin xusuusino, go'aanka baarlamaanka
wuxuu ahaa in dhiibista Qalbi Dhagax ay ahayd arrin sharci darro ah maadaamaa
dastuurka dalka uusan meelna kaga xusneyn in qof loo dhiibo dal kale,
islamarkaasna uusan jirin heshiis dowladda ay la gashay mid kale oo ku saabsan
dad la'isu wareejiyo.
Waxa warbixinta baarlamaanka ay farta ku fiiqday hay'adda NISA oo la
sheegay in kaligeed ay maaraysay hawsha, aysan ka wargalinin hay'adaha
garsoorka, islamarkaasna xog aan sugnayn la siiyay madaxda qaranka.
Marka laga tago tallooyin xukuumada loo jeediyay oo ahaa in wixii markaas
ka dambeeya ay ka taxadarto tallaabooyinka ay qaadayso, islamarkaasna sharciga
waafajiso, ma jirin wax qodob ah oo go'aanka baarlamaanka ku jiray oo lagu
eedeynayay dadkii mas'uulka ka ahaa arrinta, iyo waliba qodob ay ciqaab ka
dhalan kartay.
Sidoo kale ma jirin wax la faray dowladda oo ay tahay in ay fuliso oo ku
jiray go'aanka, sidaas darteed lama oga waxa uu madaxweynaha ku qancay ee
go'aanka baarlamaanka ka dhigay mid kama dambeys ah?.
Xukuumaddu ma ku qanacsan tahay go'aankii baarlamaanka Ilaa iyo hadda ma jirto jawaab ka timid xukuumadda oo iyadu soo saartay go'aanka uu naqdiyay ama uu ka hor yimid baarlamaanka, kaddib markii ay u qiilsameysey go'aankii Qalbi-Dhagax loogu gacan galiyay dowladda Itoobiya, iyadoo dhinaca kalana ku tilmaamtay ONLF Urur Argagixiso. Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii la soo dhaafay
jahwareer badan kala kulantay dhiibiistii Cabdikariin Sheekh Qalbi dhagax oo ka
mid ahaa Saraakiisha ugu sareysa Jamhadda ONLF ee kasoo horjeedda dowladda
Itoobiya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]