4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 8 , 2018
Wasiir Beyle oo xili habeen ah ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho

 

Khamiis, Feberaayo, 08, 2018 (HOL)–Waxaa caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho xili habeen ah ka dhoofay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka raacay diyaarad sidey dad shacab ah oo xili habeennimo ah caawa ka duushay garoonka.

Wasiir Beyle ioy wafdigiisa oo u kicitimay Nairobi waxaa ay halkaa uga qeybgallayaan shir ku saabsan dhaqaalaha oo 13-ka bishan ka furmaya magaaladaasi.

“Waxaa caawa farxad ii ah in xilli habeen ah aan ka duulo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waliba aan raaco diyaarad shacab, tani waxay cadeyn u tahay horumarka ay ku talaabsatay Dowladda Federaalka,” ayuu yiri Wasiirka

 

Wasiirka Maaliyadda oo maalmo ka hor shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sameysay horumar dhanka Maaliyadda ah, ayna rajeynayaan in laga cafiyo deymaha dowladda lagu leeyahay.

Arrintan ayaa imaneysa xili maanta loo dabaal-dagey Sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la doortay madaxweynaha dowladda hadda jirta Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]