Khamiis, Feberaayo, 08, 2018 (HOL)–Waxaa caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho xili habeen ah ka dhoofay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha magaalada
Muqdisho ka raacay diyaarad sidey dad shacab ah oo xili habeennimo ah caawa ka
duushay garoonka.
Wasiir Beyle ioy wafdigiisa oo u kicitimay Nairobi waxaa ay halkaa uga qeybgallayaan shir ku saabsan dhaqaalaha oo
13-ka bishan ka furmaya magaaladaasi.
“Waxaa caawa farxad ii ah in xilli habeen ah aan ka duulo Garoonka
diyaaradaha Aadan Cadde, waliba aan raaco diyaarad shacab, tani waxay cadeyn u
tahay horumarka ay ku talaabsatay Dowladda Federaalka,” ayuu yiri Wasiirka
Wasiirka Maaliyadda oo maalmo ka hor shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa
sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sameysay horumar dhanka Maaliyadda ah, ayna
rajeynayaan in laga cafiyo deymaha dowladda lagu leeyahay.
Arrintan ayaa imaneysa xili maanta loo dabaal-dagey Sanad-guuradii ka soo
wareegtay markii la doortay madaxweynaha dowladda hadda jirta Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]