4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 8 , 2018
Dad loo xirxiray dilka guddoomiyihii hore ee degmada Buula-burte

 

Khamiis, Feberaayo, 08, 2018 (HOL) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Beledweyne ku soo qabqabtay dad lala xiriirinayo in ay ku lug lahaayeen dilkii dhawaan magaalada loogu geystay guddoomiyihii hore ee degmada Buula-burte Cabdi Iidoow Sabriye.

Taliyaha ciidamada Booliiska gobolka Hiiraan Col Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in dadka la soo qabqabtay ilaa iyo hadda yihiin kuwo la tuhusan yahay islamarkaana la wado baaritaanno la xiriira falalka loo soo xiray.

Dadka la soo xirxiray ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah shaqsiyaad lala xiriirinayo Qarax habeen hore ka dhacay magaalada oo la sheegay in uu ku dhintay qofkii Aasayay.

‘’Ilaa iyo hadda cadeyn ma jirto, laakiin waxaan wadnaa baaritaanno lagu hayo dadkan, ‘’ ayuu yiri Col Isaaq Cali Cabdulle.

Taliyaha ayaa Al-shabaab ku eedeeyay dilka iyo qaraxii ka dhacay magaalada isaga oo intaa ku darray in falalkan noocan oo kale ah marar badan oo hore ay magaalada ka sameeyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]