4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 8 , 2018
Dr. Cabdiqaadir Daahir Cabdalla oo ku u Tartamaya Xildhibaan aqalka Hoose ee Minnesota Dagmada 26A. Rochester
Khamiis, Feberaayo, 08. 2018 (HOL)–  Dr. Cabdiqaadir Daahir Cabdalla oo ahaa Maamulaha Iskuulka Rochester Math and Science Academy ayaa isku soo taagay doorashada xildhibaanada gobolka Minnesota dagmadda 26A ee magaaladda Rochester.
Doorashadii Xulida Ergooyinka ee dhacday bishaan Febaraayo 6 deedii ayuu ku guulaystay tiro badan waxaana la filaya in dhawaan bisha Maarso loo doorto musharaxa xisbiga Dumiriqaadiga.
Cabdiqaadir Daahir ayaa ahaa Maamulaha Iskuulka aan kor ku soo xusnay kana mid ahaa aasaasayashiisii
waxuuna wax badan ka qabtay horemarinta waxbarashada magaladaas.
Dadwaynaha Soomaaliyeed iyo kuwa Maraykanba oo HOL ulahadlay gudaha goobta doorashada ka dhacaysay Talaadadii ayaa noo sheegay inay aad u soo dhaweenayaan musharaxooda Cabdiqadir Daahir Cabdalla.


Siyad Said Salah
[email protected]
Minneapolis MN