3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 8 , 2018
Dr. Cabdiqaadir Daahir Cabdalla oo ku u Tartamaya Xildhibaan aqalka Hoose ee Minnesota Dagmada 26A. Rochester
Khamiis, Feberaayo, 08. 2018 (HOL)–  Dr. Cabdiqaadir Daahir Cabdalla oo ahaa Maamulaha Iskuulka Rochester Math and Science Academy ayaa isku soo taagay doorashada xildhibaanada gobolka Minnesota dagmadda 26A ee magaaladda Rochester.
Doorashadii Xulida Ergooyinka ee dhacday bishaan Febaraayo 6 deedii ayuu ku guulaystay tiro badan waxaana la filaya in dhawaan bisha Maarso loo doorto musharaxa xisbiga Dumiriqaadiga.
Cabdiqaadir Daahir ayaa ahaa Maamulaha Iskuulka aan kor ku soo xusnay kana mid ahaa aasaasayashiisii
waxuuna wax badan ka qabtay horemarinta waxbarashada magaladaas.
Dadwaynaha Soomaaliyeed iyo kuwa Maraykanba oo HOL ulahadlay gudaha goobta doorashada ka dhacaysay Talaadadii ayaa noo sheegay inay aad u soo dhaweenayaan musharaxooda Cabdiqadir Daahir Cabdalla.


Siyad Said Salah
[email protected]
Minneapolis MN












Click here
2/8/2018 3:09 PM EST
Khamiis, Feberaayo, 08, 2018 (HOL)–Waxaa caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho xili habeen ah ka dhoofay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

2/8/2018 11:36 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 08, 2018 (HOL) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Beledweyne ku soo qabqabtay dad lala xiriirinayo in ay ku lug lahaayeen dilkii dhawaan magaalada loogu geystay guddoomiyihii hore ee degmada Buula-burte Cabdi Iidoow Sabriye.

2/8/2018 10:39 AM EST
Khamiis,Febraayo 08,2018(HOL)- Shirkii golaha Wasiiradda Somaliland ayaa maanta lagaga dooday dagaalka labadda beelood ku dhex maray gobolka Sanaag, abaarta ka jirta goboladda qaar iyo Duur-joogta wadanka oo dad ajanabi ahi dibadda u dhoofinayaan.

2/8/2018 7:31 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 08, 2018 (HOL) -Ururka Al-Qaacidda ayaa lagu waramayaa in awood buuxda ay ku leeyihiin meelaha qaar caalamka, waxaana la sheegay in ay ka xoog badan yihiin Ururka Daacish, sida lagu sheegay warbixin qoraal ah oo ay saareen khubaro ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay.

2/8/2018 7:14 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 08. 2018 (HOL)–Xildhibaan Lufti Shariif Max’ed oo ka tirsan baarlamanka dalka islamarkaana xubin ka ah golaha baarlamanka Afrika oo gaaray magaalada Rotterdam ee dalka Holland ayaa ka warbixiyay safarro uu ku tagay qaar kamid ah dalalka Yurub, halkaa oo uu kulamo kula qaatay masuuliyiin ka tirsan baarlamananada dalalkaasi.

2/8/2018 5:47 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 08, 2018 (HOL)- Baarlamaanka dalka Turkiga oo kulan ku yeeshay Arbacadii shaley magaalada Ankara ayaa muddo Hal sano ah ugu kordhiyay Ciidamada ka howlgala dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Gacanka Cadmeed.

2/8/2018 4:36 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 08, 2018 (HOL) - Iyadoo maanta ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay doorashadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa ka bilaawday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho bixinta adeeg caafimaad oo bilaash ah.

2/8/2018 3:34 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 08, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Arbacadii kulan gaar ah la yeeshay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi

2/8/2018 1:34 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 08. 2018 (HOL)-Maamulka Hir-shabeelle ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan dad cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooday qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe.

2/8/2018 1:18 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 08. 2018 (HOL)-Hoggaamiyaha aqlabiyadda yar ee Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa jeedisay qudbaddii ugu dheereyd muddo qarni ah, iyada oo hadlaysay muddo 8 saacadood oo xiriir ah.

2/8/2018 1:03 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 08. 2018 (HO) - Iyadoo la filayo in ay dhacaan munaasabado la xiriira 8-da Febraayo oo ah markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, ayaa qeybo ka mid ah jidadka Muqdisho lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo Amniga sugaya.

2/8/2018 12:47 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 08. 2018 (HOL)–Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka Golaha Amniga Qaranka oo furmay 6-dii bishan, kaasi oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

2/8/2018 12:32 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 08. 2018 (HOL)–Maanta oo Khamiis ah muddo sanad ah ayaa ka soo wareegtay markii xillka madaxtinimada dalka loo doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 8dii Feberaayo sanadkii 2017-da.