4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 8 , 2018
Xildhibaan Soomaaliyeed oo qeyb ka ah golaha baarlamanka Afrika oo ka warbixiyay safarro uu ku tagay dalal ka tirsan Yurub


Khamiis, Feberaayo, 08. 2018 (HOL)–Xildhibaan Lufti Shariif Max’ed oo ka tirsan baarlamanka dalka islamarkaana xubin ka ah golaha baarlamanka Afrika oo gaaray magaalada Rotterdam ee dalka Holland ayaa ka warbixiyay safarro uu ku tagay qaar kamid ah dalalka Yurub, halkaa oo uu kulamo kula qaatay masuuliyiin ka tirsan baarlamananada dalalkaasi.

Xildhibaanka oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Holland ayaa sheegay in uu booqday dalalka Faransiiska, Biljimka, Holland iyo dalal kale oo ku yaal qaaradda Afrika, isagoo xusay in mudadii uu ku sugnaa dalalkaasi uu kulamo la qaatay madaxda baarlamannada dalalkaasi.

Mudanaha ayaa sheegay in madaxdii uu la kulmay ay iska wareeysteen arimo ku saabsan hannaanka ay ku shaqeeyaan baarlamannada dalalkaasi, isagoo sheegay in sidoo kale masuuliyintii ay kulmeen ay ka xogwareesteen baarlamannada qaaradda Afrika, sida ay u shaqeeyaan, ayna is weeydaarsadeen xogo muhiim ah.

Xildhibaanka ayaa xubnihii soo dhaweynta u sameeyay ku booriyay in ay garab istaagaan dowladnimada islamarkaana kaalintooda ka qaataan dadaallada ay wado dowladda ee la doonayo in dalka lagu horumariyo islamarkaana looga gudbiyo dhibaatooyinkii laga dhaxlay qabyaaladda iyo dagaallada sokeeye.

Jaaliyadaha Soomaalida ee dalalka Yurub ee uu la kulmay ayuu xildhibaanku sheegay in uu kala hadlay sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen dadaallada ay wado dowladda.

Waxgaradkii iyo siyaasiyiintii soo dhaweynta u sameeyay mduanaha ayaa ku amaanay shaoqoyinka uu qabtay mudadii uu xilka hayay, ayagoo bogaadiyay masuuliyadda qaran ee uu hayo dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.