4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 8 , 2018
Adeeg Caafimaad oo bilaash ah oo lagu maamuusayo 8 Feberaayo


Khamiis, Feberaayo, 08, 2018 (HOL) - Iyadoo maanta ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay doorashadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa ka bilaawday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho bixinta adeeg caafimaad oo bilaash ah.

Xarumo lagu xardhay sawirka Madaxweyne Farmaajo ayaa koox kalkaaliyeyaal caafimaad iyo dhaqaatiir ay dadka ugu sameynayaan baaritaan caafimaad.

Goobo dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayay ka socotaa baaritaanka caafimaad lacag la’aan ah, iyadoo dadka ay safaf ugu jiraan.

Dadka ka faa’ideysanaya barnaamijkan adeega caafimaad ee lacag la’aanta ayaa waxaa ka mid ahaa dad da’ ah oo lixaadkooda aan u dhameystirneyn iyo dadweyne kale oo dan yar ah, kuwaasoo aan awoodin baaritaanada caafimaad ee Isbitaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa u muuqata in ay joojisay munaasabadihii iyo dabaal-degyadii la sameyn jiray maanta oo kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]