Khamiis, Feberaayo, 08, 2018 (HOL) -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi
Maxamed (Farmaajo) ayaa Arbacadii kulan gaar ah la yeeshay safiirka Imaaraadka
ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi
Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay
xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta sidii loo xoojin lahaa,
iyo sidii Imaaraadka uu u kordhin lahaa taageerada uu siiyo Soomaaliya.
Farmaajo ayaa Imaaraadka iyo shacabkiisa uga mahadceliyay taageerada
joogtada leh ee ay la garab taagan yihiin dowladda Federaalka iyo shacabka
Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay xiriirka labada dal in uu yahay mid soo jireen
ah.
Sida ay qortay Wakaaladda (WAM) Madaxweynaha ayaa salaan u diray Madaxda
Imaaraadka sida Sheekh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan, Sheikh Maxamed
Bin Rashid Al Maktoum, madaxweyne ku-xigeenka, Ra’iisul Wasaaraha iyo xaakimka
Dubai.
Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Hammadi, ayaa dhankiisa
Madaxweyne (Farmaajo) uga mahadceliyay sida uu Imaaraadka u qadariyo, isaga oo
ballan qaaday in Abu Dhabi sii wadi-doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]