4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 8 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

 

Khamiis, Feberaayo, 08, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Arbacadii kulan gaar ah la yeeshay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi

Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta sidii loo xoojin lahaa, iyo sidii Imaaraadka uu u kordhin lahaa taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Farmaajo ayaa Imaaraadka iyo shacabkiisa uga mahadceliyay taageerada joogtada leh ee ay la garab taagan yihiin dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay xiriirka labada dal in uu yahay mid soo jireen ah.

Sida ay qortay Wakaaladda (WAM) Madaxweynaha ayaa salaan u diray Madaxda Imaaraadka sida Sheekh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan, Sheikh Maxamed Bin Rashid Al Maktoum, madaxweyne ku-xigeenka, Ra’iisul Wasaaraha iyo xaakimka Dubai.

Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Hammadi, ayaa dhankiisa Madaxweyne (Farmaajo) uga mahadceliyay sida uu Imaaraadka u qadariyo, isaga oo ballan qaaday in Abu Dhabi sii wadi-doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]