4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 8 , 2018
Maamulka Hir-shabeelle oo beeniyay in ay jiraan dad u geeriyooday cudurka Shuban-biyoodka

 

Khamiis, Feberaayo, 08. 2018 (HOL) - Maamulka Hir-shabeelle ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan dad cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooday qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Maamulka Hirshabeele Cabdi Macalin Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in deegaano iyo Tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe ay dad ugu geeriyoodeen cudurka Shuban biyoodka.

Cabdi Macalin Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sida hadalka loo dhigay aysan aheyn laakiin ay jiraan daruufo adag oo haysta dadka ku nool deegaanada uu ka arimo maamulka Hirshabeele.

Cudurka shuban biyoodka ayaa ka mid ah cudurrada ku badan deegaannada uu maro Wabiga, gaar ahaan waxaa uu cudurkan dilaacaa xiliyada uu Wabigu biyo yareeyo, isaga oo dhasha wasaqda biyaha oo ah kuwo fadhiya oo aan socon.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]