Khamiis, Feberaayo, 08. 2018 (HOL) - Hoggaamiyaha
aqlabiyadda yar ee Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa jeedisay qudbaddii ugu
dheereyd muddo qarni ah, iyada oo hadlaysay muddo 8 saacadood oo xiriir ah.
Waxa ay mid mid usoo qaadatay qisooyinka dadka yaraantoodii
sharci darada lagu geeyay Maraykanka, kuwaas oo mustaqbalkooda uu muran weyn ka
taaganyahay.
Waxaa ay doonaysaa in dadkaas laga difaaco in la tarxiilo,
iyada oo ku badalanaysa wadahadal ay ka galayaan miisaaniyadda Maraykanka.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa doonaya in uu dalka Maraykanka
ka saaro malaayiin qof oo yaraantoodii sharci darro lagu keenay, dhinaca kalena
waxa uu doonayaa in Congress-ka uu u ansixiyo miisaaniyad uu ka mid yahay
qarashkii lagu dhisi lahaa darbiga Mexico.
"Haddii aynu nahay xubnaha Congress-ka, waxaa na saaran
waajib damiireed oo ah in aan difaacno dadka yaraantoodii yimid, kuwaas oo ah
sharafta qarankeena, waana dadka Amerikaan ah dhinac kasta, balse aanan
diiwaangashanayn" ayay tiri Pelosi.
Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa si weyn u hadal hayay
saacadaha dheer ee ay hadashay, waxayna qaarkood tilmaameen in biyo kaliya ay
marmar kabanaysay intii ay hadlaysay.
Taageerayaasheeda iyo xisbiga dimoqoraadiga ayaa ugu
hambalyeeyay qudbadeeda dheer, balse xildhibaanada jamhuuriga ayaa ku eedeeyay
in ay lumisay waqti badan oo aanan loo baahnayn.
Pelosi wax sharci ah ma aysan jabinin, inkasta oo ay jiraan
sharciyo qofka u jaangoynaya waqtiga uu hadli karo, haddane xilka hoggaamiyaha
xisbiga aqlabiyadda yar ayaa u suurtogalinaya in ay hadasho intii ay doonto.
Waxayna hadashay saacado badan oo xitaa ka badan inta uu madaxweyne qudbad
jeedin karo.
Qofkii ka horeeyay ee taariikhda inta la ogyahay saacado
badan hadlay waxa uu ahaa Champ Clark oo hadlay shan saac iyo 15 daqiiqo
sanadkii 1909-kii, sida uu sheegay taariikhyahanka Aqalka.
BBC