4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 8 , 2018
Qaar ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho oo u xiran sababo Amniga la xiriira

 

Khamiis, Feberaayo, 08. 2018 (HO) - Iyadoo la filayo in ay dhacaan munaasabado la xiriira 8-da Febraayo oo ah markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, ayaa qeybo ka mid ah jidadka Muqdisho lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo Amniga sugaya.

Jidadka ciidamadu xireen ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Howlwadaag, Sheekh Cali Suufi, Tarbuunka, Taleex, iyo goobo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama oo ciidamada ay gaadiidka u diidayaan.

Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa goor sii horeysay oo xalay aheyd waxaa la dhigay wadooyinka Muqdisho, ciidamada ayaa gaadiidka u diidaya in wadada Maka Al-mukarama ka soo galaan dhanka jid cadayaasha.

Shacabka Soomaaliyeed qaarkood ee u shaqa taga magaalada ayaa saakay waxa ay isticmaalayaan lugtooda, iyada gaadiidka dadweynaha iyaguna ay marayaan wadooyin ciriiri ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii xilign loo doortay waxyaabihii uu balanqaaday waxaa ka mid ahaa in aysan jirin  in shacabka lagu cadaadiyo xirnaashiyaha jidadka, laakiin waxaa muuqata in balanqaadkiisi hergalin, madaama inta badan dadweynaha loo diido in ay isticmaalaan jidadka caasimada marka ay jiraan munaasabadaha waaweyn iyo shirarka heer Qaran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]