4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 8 , 2018
Shirka golaha Amniga Qaranka oo lagu waddo in maanta la soo gabagabeeyo

 

Khamiis, Feberaayo, 08. 2018 (HOL) – Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka Golaha Amniga Qaranka oo furmay 6-dii bishan, kaasi oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Shirkan ayaa waxaa Madaxda ka qeyb gashay waxa ay uga hadleen hanaanka ay u dhaceyso doorashada dalka sanadka 2020, Dib u eegis lagu sameynayo Dastuurka dalka, Xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed.

Shirka oo shalay uu maalinkiisa labaad ahaa ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Madaxda Maamul Goboleedyada, Xubnaha Arrimaha Dastuurka iyo Doorashooyinka, iyada oo sidoo kale shirkan looga dooday arrimaha amniga oo diirada lagu saaray iyo sidii ciidamada Qalabka Sida ay ula wareegi lahaayeen ammaanka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa warbaahinta u sheegay shirka in maanta la soo gaba gabeynayo, lagana soo saarayo war-murtiyeed ay isku raacsan yihiin Madaxda ka qeyb gashay.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo noqonaya midkii 6-aad oo Goluhu yeesho tan iyo markii lagu dhawaaqay, waxaana shirarka ay yeeshaan Madaxdan ay noqdaan kuwa xasaasi ah oo qaata, waqti ka badan midkii loo qorsheeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]