Khamiis, Feberaayo, 08. 2018 (HOL)
– Maanta oo Khamiis ah muddo sanad ah ayaa ka soo wareegtay markii xillka
madaxtinimada dalka loo doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 8dii
Feberaayo sanadkii 2017-da.
Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad uu habeenkii doorashada
dhaarta kaddib uu jeediyay balan-qaaday in uu wax ka qaban doono, Amniga, hergalinta
Cadaallada iyo caawinta sida uu hadalka u dhigay dadka saboolka ah.
Hadaba si kooban waxaa qormadan ku eegi doonaa wax
yaabihii u qabsoomay dowladda iyo caqbaadihii soo wajahay muddadaa sanadka
ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa 23kii
bishii Feberaayo u soo xushay in uu dalka ra’iisal wasaare ka noqdo Xassan Cali
Kheyre oo beeshii Marso soo magacaabay gole Wasiirro kooban 26 Wasiir, 26 Wasiir
Ku-xigeen iyo 15 Wasiiru-dowle.
Dadka falanqeeya siyaasada ayaa
qaba in dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku guuleystay muddadii
koobneyd oo ay jirtay dib u habeynta ciidamada qalabka sida iyo dhismaha ciidamo isku dhaf ah oo meelaha
qaar sida Puntland iyo Jubbaland durbaba laga bilaabay hergalinteeda.
Abuukaate Max’uud Axmed Xassan oo
horay Wasiir uga soo noqday xukuumaddii ra’iisal wasaare Saacid, ayaa sheegay
in dowladdo ku guuleystay bixinta mishaaraadkii shaqaalaha iyo ciidamada oo ku
dhawaad muddo 8 bilood ah ka maqnaa.
Dhinaca wax ka qabashada Amniga
ayuu sidoo kale ku amaanay dowladda dhismaha ciidamo gaar ah oo
ka shaqeeya xasilinta caasimada kuwaa oo meesha saaray qaraxyadii joogtada ahaa marka laga reebo Qaraxii 14kii October ka dhacay Isgoyska
Zoobe.
Siyaasiga Maxamed Max'uud
Guulleed Gacma- Dheere oo horay xilal uga soo qabtay dalka ayaa sheegay in
muddo sanad ah dowladdu gaartay xasilooni siyaasadeed iyadoo si wanaagsan ay u wada shaqeeyeen Madaxtooyada iyo Xukuumada oo dhif iyo naadir aheyd in ay muddo
sanad ah ku dhameystaan buuq la’aan marka loo eego dowladdihii ka horeeyay.
‘’Waxaa ka mid ah waxyaabaha
dowladdu ay ku guuleysatay in markii ugu horeysay dib loo soo celiyay in
hawadii Soomaaliya dalka laga maamulo, waxaa ka mid ah isla xisaabtan dowladda
dhaxdeeda ah, waxaa ka mid ah in madaxweyuhu socdaalkii ugu dheeraa uu ku maray
gobollada dalka iyo mashaariicdii la
dhagax-dhigay oo dhamantood lagu tilmaami karo hormar ay dowladdu gaartay’’
ayuu yiri Gacma –Dheere.
Wax qabadka dowladda ayaa sidoo kale waxaa qeyb-weyn ka ah sii deynta Boqolaal Maxaabiis Soomaaliyeed ah oo ay dowladdu ka sii deysay qaar ka mid ah xabsiyada wadamada dunida, kuwaa oo qaarkood dalka dib loogu soo celiyay, maxaabiistii ugu badneydna dowladdu waxaa ay ka soo celisay dalka Itoobiya oo ay muddo dheer ku xirnaayeen.
Soo afjarista xiisadii Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa lagu tilmaamayaa mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa oo ay dowladdu gaartay.
Laakiin dhinaca kale dowladda
ayaa lagu dhaliilayaa in aysan wali waxba ka qaban arrimaha Garsoorka iyo
Cadaallada oo ka mid ahaa balanqaadyadii madaxweynaha sida uu sheegayo Abuukaate Max’uud Axmed Xassan.
‘’Waxey aheyd markii uu
madaxweynaha kursiga ku fariistayba in si deg deg ah Cadaallada wax looga qabto,
tusaale ahaan in la dhiso guddigii Cadaallada, taa la oran waa gaabis ku yimid mid
ka mid ah ballaan-qaadyadii ugu waaweynaa ee madaxweynaha’’ ayuu yiri Abuukaate
Max’muud.
Xukuumada marka la eego muddadaa
sanadka ah waxaa soo wajahay caqabado siyaasadeed gaar ahaan u gacan-galintii
dowladda Itoobiya Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ay xukuumaddu kala
kulantay dhaleeceyn iyo cambaareyn weyn.
Waxaa sidoo kale xilalkii ay
hayeen isaga tagay ama laga qaaday, Wasiiro, taliyayaal ciidan iyo
guddoomiyihii gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.
Dowladda ayaa sidoo kale muddadaa
sanadka ah wajahday caqabado siyaasadeed oo aad u waaweyn sida go’aankii ay ka
qadatay Khilaafka Wadamada Khaliifka iyo dowlad gobolleedyada qaarkood oo
arintaa ku gacan-seyray kaddib markii ay taageero u muujiyeen Isbaheysiga ay
horkacayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka iyaga oo ka so horjeestay go’aanka
dowladda ee dhaxdhaxaadnimada ku saleysan.
Sidoo kale dowladda ayaa wajahday
mucaaraddad weyn uga imaneysa Siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay dalka,
laakiin dowladdu u aqoonsatay shaqsiyaad Qaran dumis ah oo ka shidaal qaadanaya
dowladdo shisheeye, taasoo sababtay weerarro khasaare dhimasho sababay oo
dowladdu ay ku qaaday qaar ka mid ah
siyaasiyiintan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]