3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 7 , 2018
Madaxweyne Biixi oo kulamo gaargaar ah la yeeshay hogaamiyeyaasha xisbiyadda iyo Guddida doorashooyinka


Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay hogaanka labadda xisbi mucaarad iyo Guddida doorashooyinka iyagana gaar ula kulmay maanta.

Kulankan labadda gudoomiye ee xisbiyada mucaaradka Faysal Cali Waraabe iyo C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa madaxweynuhu kulankii labaad la yeeshay muddo toddobaad gudahood .

Kulankan ayaa lagu sheegay mid wada-tashi iyo is xog-waraysi ah oo madaxweynaha iyo madaxda labada xisbi mucaarid diiradda ku saareen arrimo door ah oo salka ku haya danta guud ee qaranka.

Waxyaabaha xooga lagu saaray kulanka uu madaxweynuhu la qaatay labada hoggaamiye xisbi mucaarid, ayaa waxa kamid ahaa sidii meel looga soo wada-jeesan lahaa xoojinta midnimada umadda iyo adkaynta nabadgelyada qaranka, waxaana ay hoggaanka xisbiyada mucaaridku muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin inay madaxweynaha kala shaqeeyaan danaha guud ee qaranka Somaliland.

Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo Ucid Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sidoo kale la iskula meel-dhigay in wada-jir iyo isku-duubni lagu wajaho bogsiinta dhammaanba wixii xanaf iyo xagtimo ah ee ka dhashay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka qabsoontay dhammaadka sanadkii tegay ee 2017-ka.

Waxa kale oo kulankan la la iskula meel-dhigay sidii saddexda xisbi qaran, iyaga oo isku duuban ay uga wada-hawlgeli lahaayeen hirgelinta doorashooyinka Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee dalka ka qorshaysan sanadka soo socda ee 2019-ka.

Madaxweynaha iyo labada hoggaamiye xisbi mucaarid, ayaa sidoo kale kulankooda iskula gartay inay saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI yeeshaan wada-shaqayn joogto ah, lana hirgeliyo guddi ka kooban 15-xubnood oo xisbi waliba yeelan doono 5-xubnood, si loo xoojiyo wad-shaqaynta axsaabta qaranka.

Madaxweyne Biixi ayaa doonaya inuu bulshadda ka soo afjaro kala qaybsanaanta ay doorashaddu keentay,isla markaana mucaaradka iyo muxaafadku u midoobaan midnimadda Somaliland.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi ayaa isla maanta xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Kulankan madaxweynaha iyo komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin qabsoomidda doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka ee loo asteeyey inay dalka ka qabsoonto horaanta sanadka 2019-ka, waxaanu madaxweynuhu guddida doorashooyinka qaranka kala hadlay sidii ay u samayn lahaayeen jadwal sax ah oo ku jaan go’an doorasho xor iyo xalaal ah oo aan dib uga dhicin waqtigii hore loogu asteeyey, isaga oo muujiyey inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin wixii dhinacooda looga baahdo ee ku saabsan qabsoomidda doorashooyinkaas.

Xubnaha guddida doorashooyinka, ayaa dhinacooda ballan qaaday inay hawshaasi sideeda u fulin doonaan, kuna dedaalayaan in aanay maalin dib u dhicin doorashadu; sidoo kalena, ay dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ka hayaan ballan-qaad rasmi ah oo sheegay inay diyaar la yihiin, wixii kharashaad ah ee ku baxaya doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha degaanka, madaama oo xukuumaddu muujisay sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinkaasi waqtigii loo asteeyey ku qabsoomaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
2/7/2018 12:28 PM EST
Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda ayaa maanta la shiray Madaxda xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Michael Keating iyo xubno kale oo UN-ka ah.

2/7/2018 8:05 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL) –Kulankan oo ay ku dhan yihiin madaxda dowlad gobolleedyada dalka ayaa waxaa maanta shir guddoomiyay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

2/7/2018 6:02 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in goor dhaw oo maanta ah halkaa ka dhaceen Qaraxyo is xig xigay oo sababay khasaare dhimasho.

2/7/2018 2:27 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL)-Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay tarxiishay siyaasi caan ah oo maalmahan xabsiga ku jiray kaas oo lagu magacaabo Miguna Miguna.

2/7/2018 2:06 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL)-Hay’addaha Global Media Campaign iyo Ifrah Foundation, ayaa magaalada Dublin ee dalka Iraland, ku qabtay xuska maalinta caalimiga ah ee “La-dagaallanka gudniinka gabdhaha” oo ku began 6-da Febrayo.

2/7/2018 1:33 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL)-Xarrakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar xalay fiidkii kooxo hubeysan ku qaadeen Saldhigga Booliska ee Bartamaha Boosaaso, kaasoo ku dhow Dekeda Boosaaso.

2/7/2018 1:24 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL) - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma uu xilka ka dego , waxaana la sheegay in ay u egtahay in uu aqbalay codsiyadii loosoo bandhigay, balse uu soo jeediyay shuruudo.

2/7/2018 1:17 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL)–Ciidmaada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal gaar ah ka fuliyay inta badan xaafaddaha ay ka kooban tahay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

2/7/2018 1:09 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL)– Wararka naga soo gaaray magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

2/7/2018 1:00 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL)-Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay howlgal ay sameeyeen in ay gacanta ku dhigeen Rag ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo uu sheegay in ay dilal qorsheysan ka fulin jiren gobolka.