4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 7 , 2018
Kheyre oo shir guddoomiyay kulanka Amniga Qaranka oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

 

Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL) –Kulankan oo ay ku dhan yihiin madaxda dowlad gobolleedyada dalka ayaa waxaa maanta shir guddoomiyay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Inkastoo marka dhinac laga eego shirka lagu magacaabay mid looga hadlayo Amniga Qaranka, haddana meesha kama marna in madaxdu isla eegto qodobo kale oo waaweyn oo quseynaya danaha Qaranka, gaar arrimaha Dastuurka oo ah qodobo muhiim u ah dhamaanba dhinacyada miiska wada fadhiya.

Arrimaha Amniga marka laga hadlayo shirka waxaa muhiimad gaar ah uu siin doonaa qodobka isku dhafka ciidammada, iyada oo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr Micheal Keating uu shirka golaha ammaanka ka sheegay in dowlad goboleedka Puntland ay ciidammada xoogga dalka ay ku biirisay kumanmaan askar ah, islamarkaasna hawsha isku dhafka ay si wanaagsan u socoto.

Siyaasiyiinta sida weyn dhaliilsan dowladda ayaa sheegay in shirkan uu ku soo beegmay iyadoo dowladdu ay ku guul-dareysatay in ay soo magacaawdo taliyaha nabad-sugida, maadaama wali aan la buuxin muddo billooyin ah xilkaas.

Galinka dambe ee maanta ayaa shirka lasoo gunaanadi doonaa, waxaana laga soo saari doonaa war saxaafadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]