4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 7 , 2018
Qaraxyo kale oo goor dhaw ka dhacay magaalada Boosaaso

 

Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in goor dhaw oo maanta ah halkaa ka dhaceen Qaraxyo is xig xigay oo sababay khasaare dhimasho.

Hal Askari ayaa ku dhintay Qaraxyada sida ay sheegeen warar lagu kalsoon yahay oo dhinaca amniga ah.

Weerarrada maanta ayaa xigay weerar kale oo loo adeegsaday bambooyin iyo rasaas oo xalay

maleeshiyaad ay ku qaadeen saldhigga booliiska ee magaalada Boosaaso.

Saddex askari ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi oo uu ka mid yahay taliye xigeenkii sakdhigga.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha Amniga Puntland oo ka hadlaya weerarada is xigxigay ee xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]