4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2018
Munaasabad lagu xusayay maalinta caalimiga ah ee “La-dagaallanka gudniinka gabdhaha” oo lagu qabtay dalka Ireland



Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL)-Hay’addaha Global Media Campaign iyo Ifrah Foundation, ayaa magaalada Dublin ee dalka Iraland, ku qabtay xuska maalinta caalimiga ah ee “La-dagaallanka gudniinka gabdhaha” oo ku began 6-da Febrayo.

Ololaha warbaahinta bulshada ee ka dhanka ah gudniinka gabdhaha ayaa ka bilaabayaa magaalada Dublin #MeToo. Munaasabada waxaa lagu casuumay ururada u dooda la dagaallanka gudniinka gabdhaha, shaqsiyaad u ololeeya haweenka iyo masu’uliyiin kale.

Gudniinka FGM-ka ayaa waxaa uu saameyn xooggan ku leeyahay qaar badan oo kamid ah wadamada dibadda, waxaana QM ay sheegtay in 200 oo million oo gabdhood oo ku nool 30 wadan ay mareen gudniinka daran ee gabdhaha.

Dalka Soomaaliya, ayaa kamid ah meelaha ug badan ee uu saameeyay FGM-ka, waxaana QM, ay cadeysay in 98 boqolkiisa haweenka iyo gabdhaha uu saameeyay gudniinka FGM-ka.

Haweenka iyo gabdhaha gudniinka ka cawday ayaa da’dooda waxaa ay u dhaxeysaa 15-49, sida hay’addaha ay sheegeen.

Hay’addaha Global Media Campaign iyo Ifrah Foundation, ayaa bishii December ee sanadkii 2017, waxaa ay tababar ku saabsan gudniinka gabdhaha ay magaalada Garowe ugu qabteen ku-dhowaad boqol qof oo ka koobtaan shaqaallaha dowladda Soomaaliya, maamul-gobolleedyada, Wariyaal iyo Culumaa’udiin Soomaaliya.

Mudadii u tababarkaasi socday, ayaa waxaa ka qeyb-galayaashii ay isku-raaceen in gudniinka gabdhaha uu khatar daran u keenayo dumarka, waxaana dhinaca kale dhaqaatiirtii ka qeyb-gashay munaasabada ay sheegeen in caafimaad ahaan aysan wanaagsaneyn in gabadha xubnaheeda iyagoo dareen qaba la jar-jaro.

Ifrah Ahmed, oo ah madaxa ugu sareeya iyo aas-aasaha hay’adda Ifrah foundation ayaa sheegtay in muhiimad gaar ah ay leedahay in dalka Soomaaliya loo helo sharci adag oo joojinaya gudniina daran ee gabdhaha.

“Gudiinka daran waa wax xun waxaana wanaagsan in dadka gaar ahaan haweenka laga wac-yigeliyo”, ayey hadalkeeda sii raacisay.

Hay’adda Ifrah Foundation, ayaa gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya, waxaa ay ka waday olole ballaaran oo looga hortagayo gudniinka, waxaana meelaha ololaheeda xooggiisa uu ka socday kamid ah xeryaha barakacyaasha, iyo goobo kale.

Global media campaign oo qeyb ka ah Guardian Media Group, ayaa wadamo badan oo Soomaaliya ay ku jirto waxaa ay ka caawiyeen sidii warbaahinta loogu dhiiragelin lahaa sameynta barnaamijyo gaar ah oo ku saabsan ciribtirka gudniinka gabdha.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa ah bulsho leh dhaqan wanaagsan oo taabanaya guud ahaan qeybaha kala duwan ee nolosha. Waxaana dhaqanka Soomaaliyeed lagu yaqaan inuu yahay dhaqan leh xishood, wanaag, kal-gaceyl, soo dhaweyn iyo tix-gellin.

Si kastaba ha ahaatee beesha caalamka ayaa ololo ugu jirta in guud ahaan adduunka laga ciribtiro gudniinka gabdhaha ah marka la gaaro sanadka 2030-ka.

Faysal M. Hassan
[email protected]