4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 7 , 2018
Boqolaal dhalinyaro u badan oo lagu qabqatay howlgal xalay laga sameeyay Muqdisho

 

Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL) – Ciidmaada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal gaar ah ka fuliyay inta badan xaafaddaha ay ka kooban tahay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo ay si gaar u fuliyeen Ciidamada Nabad Sugidda iyo Booliska ayaa waxaa lagu soo qab qabtay ku dhowaad 400 qof, kuwaasi oo dhammaantood ahaa rag, una badnaa dhalinyaro.

Dadka la soo qabqabtay ayaa intooda badan laga soo kaxeeyay guryahooda, waxaana dhamaantood leysugu geeyay Barxad ku taalla gudaha degmada, iyada oo qaarkood la weydiinayay in ay wataan aqoonsiyo iyo in xaafada ay degaan ku yihiin.

Ciidamada ayaa sii daayay dadkii ay ku soo qabteen Howlgalka, marka laga reebo shaqsiyaad dhowr ah oo loo kaxeeyay xarumaha baarista, si su’aalo kale oo dheeraad ah loo weydiiyo.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaadda Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay ujeedka Howlgalka in uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa sugidda amniga.

Howlgaladan ayaa imanaya xili magaalada Muqdisho uu ka soconayo shirka Amaanka Qaranka oo ay ka wada qeyb-qaadanayaan madaxda federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]