4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 7 , 2018
Howlgalo ka socda Boosaaso kaddib weerar xalay ka dhacay

 

Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaray magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgalka ayaa ka danbeeyay weerar culus oo khasaare sababay oo xalay magaalada ka geysteen kooxo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Howlgaladan oo ay sameynayaan ciidamada Amaanka ee maamulka Puntland ayaa waxaa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Boosaaso.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Boosaaso.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Boosaaso.

Boosaaso waxaa marar badan hore ka dhacay weerarro, dilal qorsheysan, iyo Qaraxyo, waxaana uu maamulka Puntland arrimahaa oo dhan ku eedeeynayaa in ay ka danbeeyaan Ururada Al-shabaab iyo Daacish oo ka dagaalama deegaanno ka tirsan Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]