4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 7 , 2018
Maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay in ay qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab

 

Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL) - Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay howlgal ay sameeyeen in ay gacanta ku dhigeen Rag ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo uu sheegay in ay dilal qorsheysan ka fulin jiren gobolka.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in ay ku daba jiraan kuwa kale oo la shaqeyn jiray raga ay howlgalka ku soo qabteen.

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa sheegay in ay joogteynaya howlgalada amniga lagu xaqiijinayo.

Waxaa uu tilmaamay in kuwa hada ay gacanta ku dhigeen ay horay ugu baxsadeen maamulka gobolka Hiiraan iyaga oo dil ka geystay gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa ugu baaqay shacabka iney la shaqeeyaan ciidamada amaanka, una soo gudbiyaan xoogaha ay hayaan.

Habeen hore ayeey aheyd markii magaalada lagu dilay Cabdi Iidoow Sabriye oo ka mid ahaa guddoomiyayaashii soo maray gobolka, sidoo kalana waxaa dhacay Qarax miino oo sababay dhimashada qof la sheegay in uu Aasayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]