4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 6 , 2018
Weerar ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso

 

Talaado, Feberaayo, 06, 2018 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo caawa ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso kaddib markii ay Al-shabaab weerareen saldhig ciidan.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in weerarka loo adeegsaday bambooyin iyo rasaas ka dhacaysa qoryaha boobayaasha.

Inta la og-yahay ilaa Afar Askari ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarkaasi oo caawa fiidkii dhacay.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa soo afjaray weerarka, waxaana halkaasi ay ka wadaan baaritaano ku aadan xaqiijinta amniga.

Al-Shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda weerarka ayaa waxa ay sheegeen in ay dileen saraakiil Puntland ah iyo ciidamo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]