4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 6 , 2018
Shirweynaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Jabuuti oo la qabanayo

 

Talaado, Feberaayo, 06, 2018 (HOL) - Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada dowladda Federaalka Soomaaliya  Eng Cabdi Canshuur Xassan ayaa sheegay in Wasaaraddiisu qaban-qaabineyso shirweyne ay ka soo qeyb galayaan shirkadaha isgaarsiinta dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo looga xaajoon doono sidii la isaga kaashan lahaa mashruuca xarigga Internetka ee Djibouti African Regional Express (DARE) oo ay fikraddiisa leedahay shirkadda Isgaarsiinta ee Jabuuti.

Wasiirka ayaa hadalka sheegay kaddib markii uu soo gabagabeeyay socdaal 2 maalmood qaatay oo u ku tagay dalka Jabuuti, isaga oo intaa ku darray in shirkan ka wada shaqeynayaan Wasaaradda Isgaarsiinta ee dalka Jabuuti, ujeeddaduna tahay sidii looga arrinsan lahaa mashruuca DARE oo ah xarin Internet oo isku xiraya Jabuuti iyo Mombasa, isagoo sii maraya Berbera, Boosaaso iyo Muqdisho.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ansixintii sharciga isgaarsiinta iyo tirada xargaha internetka oo ku yar dalka, ay fursado iskaashi oo heer gobol ah u furayaan shirkadaha isgaarsiinta Soomaalida.

Wasiirka waxaa kaloo uu xusay in Boostada Soomaaliya ay billowday in warqadaha loo soo marsiiyo dalka Jabuuti, iyadoo labada bilood ee soo socotana la qorsheynayo in warqadaha baxaya ay sii maraan dalka Jabuuti.

Safarka wasiirka ayaa imanaya qiyaastii 6 bilood kaddib markii uu dhiggiisa Jabuuti, Mudane Abdi Youssouf Sougueh, la saxiixday heshiis ay labada wasaaradood isaga kaashanayaan arrimaha isgaarsiinta iyo boostada.

“Waxaan jecelahay inaan u mahadceliyo wasiirka isgaarsiinta Jabuuti oo si wanaagsan noo soo dhoweeyay, waxaana rajeyneynaa in marka ay Muqdisho noogu yimaadaan dhammaadka bisha dambe in aan go’aan ka wada gaari doonno arrimaha aan isku soo afgaranay,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]