3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 6 , 2018
Shirka Amniga Qaranka oo goor dhaw Muqdisho ka furmay

 

Talaado, Feberaayo, 06, 2018 (HOL) - Waxaa goor-dhow magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxaana looga hadlayaa xaaladda guud ee Amniga dalka, waxyaabaha ka qabsoomay shirarkii hore iyo wixii aan qabsoomin.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  ayaa furay kulanka waxaana sidoo kale ka qeyb-galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xassan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka, dhammaan Madaxda dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, La-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Muddada uu socdo shirka waxaa dib u eegid lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo ciidamada Xoogga, iyadoona la gorfeynayo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha xoogga la saarayo.

Shirka Amniga Qaranka waa madasha kaliya ee haatan ay si joogta ah ugu kulmaan madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
2/6/2018 2:56 PM EST
Talaado, Feberaayo, 06, 2018 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo caawa ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso kaddib markii ay Al-shabaab weerareen saldhig ciidan.

2/6/2018 10:46 AM EST
Talaado, Feberaayo, 06, 2018 (HOL)–Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo kaashanaya Bankiga aduunka ayaa burburkii dowladda dhexe kaddib markii ugu horeysay 19 shaqaale ah u diray howlgab kuwaa oo gaaray da’dii shaqo ka fadhiisiska.

2/6/2018 10:16 AM EST
Talaado, Feberaayo, 06, 2018 (HOL) - Maxakamada Caalamiga ee Cadaalada ee afka Ingriiska loo yaqaan International Court of Justice oo ku taala Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa manta waxay yeelatey Madaxweyne cusub. Maxakamadaan oo ay hoos timaado Qaraamada Midoobey ayaa saddexdii sanno

2/6/2018 7:10 AM EST
Talaado, Feberaayo, 06, 2018 (HOL)-Maamulka deegaanka Dhoobleey ee gobolka J/hoose ayaa soo bandhigay ilaa sedex rag ah oo ku eedeeysan in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, kuwaa oo ay ciidamadu sheegeen in ay gacanta ku dhigeen ayagoo qorsheynaya in ay si sharci darro ah ku galaan dalka Kenya.

2/6/2018 6:52 AM EST
Talaado, Feberaayo, 06, 2018 (HOL) - Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada dowladda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xassan ayaa sheegay in Wasaaraddiisu qaban-qaabineyso shirweyne ay ka soo qeyb galayaan shirkadaha isgaarsiinta dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo looga xaajoon doono sidii la isaga kaashan lahaa mashruuca xarigga Internetka ee Djibouti African Regional Express (DARE) oo ay fikraddiisa leedahay shirkadda Isgaarsiinta ee Jabuuti.

2/6/2018 4:11 AM EST
Talaado, Feberaayo, 06, 2018 (HOL)-Qaar ka mid ah dadka kunool degaanka Marsabit ee Dalka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in dhalinyaro badan oo kunoolaa degaankaasi ay ku biireen Al-Shabaab todobaadyadii lasoo dhaafay.

2/6/2018 1:14 AM EST
Daawo Culumadiinka & Odayaasha Soomaaliyeed ee Minnesota oo ka hadlay Xaalada dad ku dhiban Mag. Balbaleeti Itoobiya

2/6/2018 1:10 AM EST
Talaado, Feberaayo, 06 ,2018 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf soo dhaweyn ah Madaxtooyada ugu sameeyey Golaha Amniga Qaranka.

2/6/2018 1:04 AM EST
Talaado, Feberaayo, 06 ,2018 (HOL)-Xukuumadda Maldives ayaa ku dhawaaqday in lagu soo rogtay dalkaasi xaalad degdeg ah muddo 15 maalmood ah Kadib markii dalkaasi uu gallay xasarad siyaasadeed.

2/6/2018 12:59 AM EST
Talaado, Feberaayo, 06 ,2018 (HOL)- Hal qof ayaa ku dhintay Qarax miino oo ka dhacay xalay Waddada isku xirta magaalada Beledweyne iyo Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

2/6/2018 12:43 AM EST
Talaado, Feberaayo, 06 ,2018 (HOL)- Maxkamada darrada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan ku riday eedeysanayaal lala xiriirinayay Qaraxii 14kii October ee sanadkii hore ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

2/6/2018 12:26 AM EST
Talaado, Feberaayo, 06 ,2018 (HOL)- Inta badna waxaa saakay xiran jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo lagu arkayo ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

2/6/2018 12:18 AM EST
Talaado, Feberaayo, 06 ,2018 (HOL) -Waxaa Maanta lagu waddaa in Magaalada Muqdisho uu si rasmi ah kaga furmo Shir looga hadlayo Amniga Qaranka oo dhaxmaraya Madaxda dowladda iyo sidoo kale kuwa maamul goboleedyadda.