4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 6 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay madaxda dowlad gobolleedyada

 

Talaado, Feberaayo, 06 ,2018 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf soo dhaweyn ah Madaxtooyada ugu sameeyey golaha Amniga Qaranka.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo maanta iyo shalay soo gaaray Muqdisho, ayaa u yimid ka qeyb-gelitaanka shirka Amniga Qaranka oo maanta ka furmi doona.

Casho sharafta waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, la taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Amniga iyo Sidoo kale Taliyaasha ciidamada qalabka sida, Nabad-sugidda iyo Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee golahan Xubnaha ka ah.

Madaxda golaha Amniga Qaranka ayaa shirkooda maanta furmaya uga hadlaya arrimaha ammaanka Qaranka, sidii ciidamada Soomaaliya ammaanka dalka ugala wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]