4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 6 , 2018
BELEDWEYNE : Qof ku dhintay Qarax miino

 

Talaado, Feberaayo, 06 ,2018 (HOL) - Hal qof ayaa ku dhintay Qarax miino oo ka dhacay xalay Waddada isku xirta magaalada Beledweyne iyo Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Qofka Qaraxa ku dhintay ayaa la sheegay in uu ahaa ruux halkaa ku aasayay Miinada sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha Amniga gobolka.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay waxaa gaaray guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda.

Garoonka diyaaradaha oo dhinaca Waqooyi uga beegan magaalada Beledweyne ayaa lagu waramayaa in miinada Qaraxday la doonayay in lagu Aaso Waddada ay isticmaalaan dadka rayidka ah Garoonka ka dhoofa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]