4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 6 , 2018
Maxkamada ciidamada oo xukun ku ridey eedeysanayaashii Qaraxii Zoobe

 

Talaado, Feberaayo, 06 ,2018 (HOL) - Maxkamada darrada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan ku riday eedeysanayaal lala xiriirinayay Qaraxii 14kii October ee sanadkii hore ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Maxkamada ayaa tan wixii ka danbeeyay Qaraxaasi ku howlaneyd baarista sidii uu u dhacay Qaraxa iyo waliba dadkii ka danbeeyay waxaana ay ugu danbeyntii riday xukunno isugu jira, dil, xabsi daa’in, xarig, iyo eedeysanayaasha qaar oo la sii daayay kaddib markii wax danbi ah lagu waayay:

Maxkamada ayaa Xasan Aadan Isaaq Cali ku riday xukun dil toogasho ah.

C/laahi Ibraahin Xasan Absuge oo maqan waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in.

C/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah.

Qaraxii Zoobe ayaa waxaa ku nafwaayay dad tiradooda kor u sii dhaaftay 500 oo ruux, waxaana la oran karaa waa Qaraxii ugu cuslaa ee sanadihii ugu danbeeyay ka dhaca guud ahaan marka la eego caalamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]