4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 6 , 2018
Jidadka magaalada Muqdisho oo intooda badan saakay xiran

 

Talaado, Feberaayo, 06 ,2018 (HOL) - Inta badna waxaa saakay xiran jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo lagu arkayo ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Inta badan Isgoysyada Wadada Maka Al-Mukarama ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka aan loo ogoleyn, sidoo kale wadada Wadnaha ayaa loo ogoleyn in ay gaadiidka uga soo gudbaan dhinaca Wadada Maka Al-Mukarama, waxaana loo ogolaa dadweynaha.

Sidoo kale waxaa  gabi ahaanba xiran oo aan loo ogoleyn in ay gaadiidku isticmaalaan laga bilaabo Isgoyska Tarabuunka ilaa laga gaarayo Isgoyska Black Sea ee degmada Hodan.

Ciidamada ku sugan Koontaroolada labada Isgoys ah ayaa gaadiidka iyo Mootooyinka Bajaajta u diidaya inay maraan wadada, waxayna u sheegayaan in wadada ay tahay mid xiran.

Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa lugeynaaya Wadooyinka dhexdooda.

Ciidamada Ammaanka ayaa xataa diidaya in dadka Shacabka ay maraan Isgoyska Tarabuunka ee Muqdisho.

Ilaa iyo hadda lama ogga sababta loo xiray wadadaasi oo ah mid muhiim u ah isku socodka gaadiidka Muqdisho, laakiin waxaa loo maleynayaa in arintan xiriir la leedahay shirka hogaamiyayaasha Soomaaliya maanta uga furmaya magaalada Muqdisho

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]