4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 6 , 2018
Shir Muqdisho uga furmaya maanta dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobolleedyada

 

Talaado, Feberaayo, 06 ,2018 (HOL) -Waxaa Maanta lagu waddaa in Magaalada Muqdisho uu si rasmi ah kaga furmo Shir looga hadlayo Amniga Qaranka oo dhaxmaraya Madaxda dowladda iyo sidoo kale kuwa maamul goboleedyadda.

Shirkan ayaa waxaa Shir guddoomin doona madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ka qeyb gali doona madaxda dowlad goboleedyadda.

Inta uu Shirkan socdo ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa waxyaabihii ka qabsoomay Shirarkii hore ee dhexmaray dowladda dhexe iyo maamulada.

Madaxda maamul goboleedyadda ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana ay xalay kulan la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa horudhac u ahaa Shirka Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]